Mengistu Hailemariam iyo Desalegn oo kulmay iyo Muran ka dhashay

Waxaa dhawaan magaalada Harare ee Caasimada dalka Zimbabwe kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee kaligii taliska dalka Itoobiya Mengistu Hailemariam iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Kulanka labadan masuul ee xilalka kasoo qabtay dalka Itoobiya ayaa ahaa mid aan horey loo sii qorsheen, waxaana kulankan ka dhashay hadal heyn iyo caro ka timid siyaasiyiin iyo dad kale oo Itoobiyaan ah.

Mengistu Hailemariam ayaa kunool dalka Zimbabwe oo magan galyo siyaasadeed laga siiyay halka Ra’isul Wasaarihii hore ee Itoobiya u tagay dalkaasi in uu madax u noqdo Ergadda Ururka Midowga Afrika ee goob jooga ka ahaa Doorashadii Zimbabwe.

Baraha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayay Kulanka labadan masuul ee xilka kasoo qabtay dalka Itoobiya, waxa ayna dad badan ku dhaleeceeyeen R/Wasaarihii hore ee Itoobiya in uu la kulmay Dambiile xukun dil ah horey loogu xukumay.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhawaan laga soo xigtay in Mangistu la cafinayo , waxaana dad badan u fasirteen in kulanka ka dhacay Harare uu arintan horu dhac u ahaa.

Mengistu Hailemariam ayaa afgambiyay Boqorkii dalka Itoobiya Xayle Salaase sannadkii 1974-kii, waxaana Mangiste talada dalkaasi xoog uga tuuray sanadkii 1991-kii Jabhado uu hogaaminayay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi .

Keligii Taliyihii hore ee Ethiopia,  ayaa dil toogasho ah lagu xukumay  Sanadkii 2007-dii, waxaana lagu eedeeyay in uu galay dambiyo dagaal iyo sidoo ku xadgudub xaquuqda aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -